Published On: Wed, Nov 16th, 2016

Puntland oo sheegtey in ay diyaariyeen ciidamo la dagaalama Daacish

ciidamada-puntland

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidan loogu talo galay in ay la dagaalamaan xoogaga Daacish oo ku sugan meelo ka tirsan deegaanada maamulkaasi hoos yimaada.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Maamulka in ay u diyaar garoobeen sidii Daacish ay uga qabsan lahaayeen Degmada Qandala.

Waxa uu sheegay waqti badan in ay ku qaadatay diyaarinta iyo tababarida Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaas oo la dagaalamaya Daacish.

C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan Howlgal Shabaab looga saarayo Degmada Qandala.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ku soo aadaya xilli ururka Daacish Degmada Qandala ay heystaan ku dhowaad mudo bil ah.

Dhowaan ayay ahayd markii xoogaga Daacish ay si rasmi ah u qabsadeen deegaanka Qandala, inkastoo mudooyinkii hore la hayay warar ku saabsan in ay jiraan xoogaga daacish oo jooga deegaano Puntland ka mid ah.
Xafiis Wareedka Markacadeey
Muqdisho, Soomaaliya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300