Published On: Wed, Nov 16th, 2016

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadly dagaalka Al-Shabaab

shariif-xasan-adaan

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shabaab ay dhibaato badan ay ku hayaan dadka shacabka ee kunool degaanada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sheegay in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay qaadi doonaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab,

Shacabka kunool gobolada Baay, Bakool iyo sidoo kale shabeeha Hoose ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300