Published On: Wed, Nov 16th, 2016

Ahlusunna oo shaacisay sababta ay u xirtay Radiogalgaduud

ahlusunaccccccccccccc

Ururka Ahlusunna ayaa ka hadlay sababta ay u xireen idaacadda Radiogalgaduud oo ka howlgaleysay degmooyinka Guriceel iyo sidoo kale Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe.

Afhayeenka Ururka Ahlusunna ayaa sheegay in idaacadda Radiogalgaduud ay jabisay heshiis ay horay ula gashay maamulka Ahlusunna.

Afhayeenka Ururka Ahlusunna ayaa sheegay in idaacadda ay siideysay warar ku saabsan Al-Shabaab oo ay horay u mamnuuceen.

Radio Galgaduud xarunteeda Degmada Guriceel waxa u soo daatay Habeen hore abaaro 10:25 daqiiqo ee fiidnimo, Ciidamada katirsan Maamuka G/dhexe ee Ahlusunna waxayna damiyeen Idaacadda, waxayna ka qaateen Idaacada Fm iyo qalab kale iyaga oo ku qaatay Gaadiid ay wateen.

Radio Galgaduud ayaa ah Idaacad madaxbanaan oo xarumo kuleh Guriceel iyo Dhuusomareeb waana idaacad ay si weyn u dhageystaan Wararka iyo Barnaamijyadeeda Bulshada ku nool Magaalooyinkaas.

Agaasimaha ku xigeenka idaacadda Radiogalgaduud Cabduqaadir Guure Barre oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka Ahlusunna ay rarteen qalabkii ay ku shaqeynaysay idaacadda.

Maamulka Ahlusunna ayaa horay u dhibaateeyay wariyeyaasha ka howgalla gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan.

Radiogalgaduud ayaa horay maamulka ay xireen waxaana dadaal dheer oo ay sameeyeen ururada Saxaafada suurta gashay in lasiidaayo idaacadda

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300