Published On: Tue, Nov 15th, 2016

Xukunkii dilka ee lagu xukumay Maxamed Mursi oo la joojiyey.

mohammed-morsi5-480x320

Maxkamadda sare ee Masar ayaa go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumay madaxweynihii hore ee Maxamed Morsi, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

Sanadkii hore, Mr Morsi ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu eedeeyay xabsi uu ka baxsaday waqtigii kacdoonkii dalka Masar ee sanadkii 2011.

Maxamed Mursi oo wajahaya dacwado fara badan oo ay ka mid tahay inuu sirta dowladda Masar siiyay ururka Xamaas, kacdoon, dad lagu waayay banaanbaxyo ka dhacay Qaahira iyo dacwado kale ayaa hadda la joojiyay xukun ka mida kuwii hore loogu riday oo ahaa in toogasho lagu xukumay.

Mr Morsi oo ka mid ah xisbiga Akhwaan Muslimiinta ayaa ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimoqraadi ah loo doorto kadib kacdoonkii Carabta.

Laakiin waxaa xukunka ka qaaday milatariga 2013-dii, kadib mudaaharaadyo looga soo horjeeday dowladiisa, iyadoo uu markaas inqilaab xilka kula wareegay wasiirkii Gaashaandhigga C/fataax Siisi oo markii danbe noqday Madaxweyne.

Xafiis wareedka Markacadeey
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: xafiiskamuqdisho@hotmail.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300