Published On: Mon, Nov 14th, 2016

Puntland oo ka hor timid Hanaanka doorashada ee Somaliland.

puntland-1

Maamul goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeestey qaabka loo marayo Hanaanka Habraaca Doorashada Somaliland ee Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saaray.

Puntland ayaa sheegtey in aysan aqbali Karin go’aanka Gudoomiyaha baarlamaanka oo warsaxaafadeedka ay ku sheegeen in uu ka mid yahay xildhibaanada aan weli la dhaarin.

Sidoo kale, Habka loo qabanayo hanaanka Doorashada iyo xubnaha uu magacaabey Jawaari ayay sheegeen in ay dhalin karto in doorashada oo dhan ay dhici weyso.

War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa sidan u qornaa Hoos ka akhri.

Dhinaca kale,Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay ka qeyb galayaan Doorashada 2016 ee Soomaaliya ka socota.

Xubno ay ka mid yihiin Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa iyagoo wadajira shir jaraa’id ka sheegay in wadatashi dheer ay go’aan ku gaareen ka qeybgalka doorashada dadban 2016.
Suldaan Siciid Diiriye oo ku hadlay magaca Dir Waqooyi ayaa sheegay inay tixgalinayaan Go’aankii Madasha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo lagu gaaray iyo Marxalada kala Guurka ah ee Hadda uu Dalku Marayo.Wuxuu ka codsaday Guddiga Doorashooyinka Dadban inay dedejiyaan Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka ka soo galaya Gobolada Waqooyi ee Dalka.
Go’aankan ayaa ka danbeeyay heshiis laga gaaray qaabka doorashada ee beelaha dirta Waqooyi (Somaliand) kadib is mari waa’ muddo 5 bilood ah ka taagnaa qoondada beelaha Somaliland ee labada aqal ee Baarlamaanka soo socda.

warqad_puntland

warqad

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300