Published On: Mon, Nov 14th, 2016

Madaxda Mandera oo dowladda Kenya codsi u diray

jafcvjgfwjmr3tw2sh5828d2678f542

Gudoomiyaha Mandera Cali Rooba ayaa sheegay in dhawaan la qaadi doono Bandowga Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in si weyn loo xaqiijiyay ammaanka degaanada hoos yimaada degmada mandera, waxaana wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya uu ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado bandowga Mandera.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka ammaanka heegan buuxa la geliyay , islamarkaana ay ka digtoon yihiin weeraro ay geystaan Al-Shabaab.

“Goobaha ganacsiga waqti hore ayaa la xiraa , goobaha cibaada waqtiyada qaarkood lama aado , Wasiirka waxaan ka codsaneynaa in bandowga laga qaado Mandera dhaqaalihii bulshada hoos ayuu u dhacay ” ayuu yiri Cali Rooba.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan Bandow kusoo rogtay Magaalada Mandera ka dib markii ay kordheen weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab , waxaana si weyn hoos ugu dhacday noolasha bulshada degmada Mandera.

Tan iyo sanadkii 2014 in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay weeraro ay geysteen Al-Shabaab oo ka dhacay Mandera , waxaana bilihii ugu dambeeyay labo weerar oo ka dhacay Mandera ku dhintay 18 qof.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300