Published On: Mon, Nov 14th, 2016

Cadde Muuse“Waa Nasiib daro in Puntland iyo Galmudug ay Kismaayo ku shiraan”

cadde-musse-640x400

Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland cadde muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay dagaalada kusoo laablaabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cade muuse ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalamaan Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ay haboon tahay in heshiiska Gaalkacyo loo madax banaaneeyo Waxgaradka iyo sidoo kale culimada gobolka Mudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in labada Madaxweyne looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan xabad joojinta , islamarkaana ay kala qaadaan ciidanka.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay in 20 bishaan ay ku shiraan magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah maamulka Jubbaland , waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay in gogosha Nabadda laga qaado Gaalkacyo ,islamarkaana loo raro Kismaayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300