Published On: Sun, Nov 13th, 2016

Wasiir Fargeeti oo Baydhabo ku weeraray xubno ka mid ah Ergada Xildhibaanada soo xuleysa

fargeeti

Ka dib markii Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti)looga adkaaday kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa (Disow), ayuu Magaalada Baydhabo ku weeraray xubno ka mid ah Ergada soo xuleysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Wasiirka, ayaa Khamiistii kursigaasi kula tartamay Maxamuud Macalin Yaxye, iyadoona uu Maxamuud Macalin Yaxye helay 26 cod, halka Wasiirkuna uu helay 25 cod, hal cod oo keliya ayaana looga guuleystay.

Wasiirka, ayaa weeraray guryaha ay Magaalada Baydhabo ka degan yihiin xubno ka mid ah Ergada Beesha Disow, isagoo ku eedeynaya inay ballanta uga baxeen.

Ciidan u daacad ah Wasiirka, ayaa Sabtidii weeraray hoyga uu magaaladaasi ka degan yahay Xildhibaan Yarow Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Yarow Aadan, ayaa la soo sheegaya in si dirqi ah uu kaga badbaaday weerarkaasi, iyadoona ilaaladiisii ay dib u caabiyeen ciidankii soo weeraray.

Saacado ka dib, ayay ciidanka taabacsan Wasiir Fargeeri weerareen hoyga ay Magaalada Baydhabo ka degan tahay haweeneyda ka tirsan Ergada Beesha Disow.

Sarkaal ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Wasiir Fargeeti uu qalqal amni ka wado Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa tilmaamay in Wasiirku uu horey Baydhabo u keenay hub sharci-darro ah, oo sida uu sheegay ay adeegsanayan maleeshiyada u daacadda ah.

Odayaasha reer Baydhabo, ayaa Fargerti ugu yeeray in uu xaaladda qaboojiyo, haddii tartan furan looga adkaaday kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa.

Shacabka Baydhabo, ayaa hadalhaya hujuumka uu Fargeeti ku hayo Ergada Koonfur Galbeed ee Xildhibaanada soo xuleysa, gaar ahaan Ergada ay isu heybta yihiin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300