Published On: Sun, Nov 13th, 2016

Maxaa Saaka ka cusub Gaalkacyo

gaalkacyo-238x178

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka si weyn u degan , waxaana xalay Magaalada laga maqlin wax rasaas oo ay ridaayeen ciidamada maamulada Puntland iyo  Galmudug oo ku sugan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay heshiis ku wada gaaray Magaalada Gaalkacyo , waxaana heshiiskaasi qodobada lagu heshiiyay ka mid ahaa in xabad joojin rasmi ah laga hirgaliyo Magaalada Gaalkacyo.

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka soo sheegaya in jawiga Magaalada uu yahay mid degan , islamarkaana maamulada Puntland iyo Galmudug waxgaradkoodu ay ku baaqayaan in la hirgeliyo heshiiskii lagu wada gaaray Magaalada Gaalkacyo shalay.

Ciidamada mamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya Galbeed Magaalada Gaalkacyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300