Published On: Sun, Nov 13th, 2016

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida

xasan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu xafiiskiisa kula kulmay madaxda maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliya.

Xubnaha uu Madaxweynaha la kulmay ayaa kala ah Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Jeneraal Liibaan Cali Yarow.

Waxa uu madaxweynaha mas’uuliyiintan ku bogaadiyey shaqada ay hayaan, iyo dedaalladii ay muujiyeen sanadihii lasoo dhaagey oo maxkamaddu qabatey howlo badan.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu Dambeyn mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliya ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu si wanaagsan ula shaqeeyey maxkamadda, islamarkaana aysan arag wax faragelin ah oo dhankaxafiiska madaxweynaha uga timid.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qaada Kiisaska Shabaabka iyo ciidamada ka tirsan Dowladda ee gala dambiyada ka dhanka ah shacabka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300