Published On: Sun, Nov 13th, 2016

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka fekeraya xaasaska Shabaab in laga saaro Baledweyne

maaamulka

Cali Jeyte Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda guud ee gobolkaasi, waxaana ugu horreyn uu soo hadal qaaday howlgallo ay ciidamada dowladda Federaalka Somaliya ka sameeyeen deegaanno ka mid ah Hiiraan.

Qorshaha Suggida ammaanka Gobolka Hiiraan ayuu sheegay inuu yahay mid aanan cidna loogu ixtiraameyn, cid kasta oo ka soo horjeesatana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in mamnuuc ay ka tahay gobolkaasi, gaar ahaan magaalada B/weyne in lagu heysto hub aan sharci ahayn, wuxuuna shacabka ugu baaqey inaysan ka hor imaan ammarada maamulka gobolka.

“Waxaa mamnuuc ah heesashada hubka sharci darrada ah, ciddii kahor timaada ciidankaasi howlagalaya oo isku dayda iney la dagaalanto waxaan u aqoonsaneynaa cadowga aan raadineyno, waxaan shacabka uga digeynaa qoriga lagaa qaaday haddaad qof muslim ah tahay ma lumayo, laakiinse sharciga ayaa lagu marin doonaa, dadka howlgalka wada tuugo ama burcad ma ahan, waa ciidan Soomaaliyeed, waa walaalahaa, qoriga haddii lasoo qaado oo aadan dhagar qabe ahaan nidaam baa la marsiin doonaa” ayuu hadalkiisa ku darey guddoomiye Jeyte.

Dhinaca kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sheegay xaasaska Al-Shabaab iyo carruurtooda ay joogaan magaalada B/weyne, islamarkaana ay ka fekeri doonaan in magaalada ay ka saaraan si isku meel ay u mariyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan la socdaa nimankaan la yiraahdo Al-shabaab dumarkooda iyo Ilmahooda waxay dhooban yihiin B/weyne waana naqaanaa, iyagana maalin walbo annaga ayeey na gaadaan, askarta ayeey dhameeyaan iyo qaraxyo ayeey sameeyeen, waxaan ka fekeri doonnaa iyagu dadku wey gumaadaane, laakiinse in dhinac aan isla marin doonno iyaga, ilmahooda iyo xaasaskooda, ma dhici doonto in xaasaskooda iyo carruutooda magaalada joogaan, habeenkiinna ay naga dilaan askarta, haddii ay buuraha ku jiraan waxaan uga dabgeyneynaa buuraha, ma dhici doonto in habeenkii xaasaskooda iyo carruutooda u yimaadaan, annagane na dilaan.” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300