Published On: Sun, Nov 13th, 2016

Dowladda oo la wareegtay degaanka Ceel Garas

ciidan

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degaanka Ceel Garas ee gobalka Bakool, sida ay qortay Wakaalada Dowladda  ee SONNA.

Deegaanka  Ceel Garas  ayaa ka mid ah degaano dhowr ah oo ay horay uga baxeen ciidanka Itoobiya, islmarkaana gacanta u galay dagaalyahanada Al-Shabaab oo inta badan qabsaday degaanadii ay ka baxeen ciidanka dowladda Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen degaanka Ceel Garas ka dib markii ay kusoo dhawaadeen ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana ay hada Al-Shabaab ay joogaan meel ku dhow deegaanka Ceelgaras.

Ilaa iyo hada Al-Shabaab kama hadlin la wareegitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya ee degaanka Ceelgaras ee gobolka Bakool.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300