Published On: Sat, Nov 12th, 2016

Wadahadalo Puntland iyo GalMudug u furmey, kadib dagaaladii….

galkacyo44

Shir looga hadlaayo colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa goordhow ka furmay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ka qeyb galaya shirka Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug.

Labada Madaxweyne ayaa shalay Gaaray magaalada Gaalkacyo , waxaana lagu wadaa kulanka ka dib in ay soo saaraan qodobada ay ku heshiiyeen oo ku saabsan Colaada Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale shirka Waxaa ka qeyb galaya Waxgaradka gobolka Mudug, xubno ka socda dowladda Soomaaliya, wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo sidoo kale xubno ka socda Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo Gaalkacyo u tagay Hakinta dagaalka.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowr jeer waxa ay gaareen heshiisyo kala duwan oo ku aadan joojinta colaada Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa socday muddo ku dhow 40 cisho , waxaana ku barakacay inta badan dadkii kunoolaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300