Published On: Sat, Nov 12th, 2016

Faahfaahin Dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Galgaduud

beeleed

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaaya dagaal culus oo shalay ilaa xalay ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Xeraale iyo sidoo kale Balanbal ee gobolka Galgaduud , waxaana uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada degan gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa socday Waqti dheer , waxaana la sheegaya in ay ku dhinteen 6 qof ,halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 15 qof sida ay sheegeen Qaar ka mid ah waxgaradka Galgaduud oo la hadlay warbaahinta.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Balanbale Cabdirisaaq Axmed Xalane ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo dheeri ah oo ay ku doonayaan in ay ku hakiyaan  dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Galgaduud , gaar ahaan xeraale iyo sidoo kale Balanbale.

Waxaa uu sidoo kale sheegay dadka ay dirirto u dhaxeysay in ay yihiin dad reer guuraa ah , islamarkaana goobta ay ku dagaalamay ay roob ka degeen.

Xiisad u dhaxeysa Maleeshiyo beeleedkii dagaalamay ayaa saaka ka taagan degmooyinka Balanbale iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300