Published On: Sat, Nov 12th, 2016

Dadka degmada Luuq oo Amaro hor leh lagu soo rogey.

qaxootikulaabteluuq
Wararka laga helayo degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in amaro hor leh lagu soo rogey dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Diyaad Cabdi Kaliil Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Luuq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amaro kala duwan lagu soo rogay bulshada ku nool degmadaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska degmada Luuq ayaa sheegay in dadka kunool degmada looga baahan yahay in ay soo diwaan geliyaan dadka cusub ee kusoo kordhay Magaalada.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka amaanka ay talaabo ka qaadi doonaan cidii lagu helo iyada oo aan ka diwaan gashaneyn Degmada oo Magaalada dhex joogta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay gurigii laga helo qof aysan ka warqabin maamulka degmada in ay la wareegi doonaan ciidanka ammaanka.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada kunool degmada in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300