Published On: Fri, Nov 11th, 2016

Mareykanka oo war cusub ka soo saaray weerarkii Gaalkacyo

duqeymo

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay weerarkii lagu qaaday duleedka Gaalkacyo 28-kii bishii September ee sanadkan aanu ahayn mid Al-Shabaab lagu beegsaday, balse weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyo Deegaanka ah.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay weerarkaasi in uu ahaa mid lagu laayay Maleeshiyo Deegaanka ah oo aan lagu beegsan Shabaab.

Waxa ay sheegeen Taliska Mareykanka in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah iyo cida sida saxda weerarkaasi loola beegsaday.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan warka ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee ku aadan weerarkii Gaalkacyo in aan lagu beegsan Shabaab, balse lagu beegsaday Maleeshiyo Deegaanka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey Dowladda Mareykanka uga codsatay in ay baaritaano dhab ah ku sameyso weerarkii Gaalkacyo ee lagu laayay Ciidamo ka tirsan Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300