Published On: Fri, Nov 11th, 2016

Madaxweynaha oo baaq u diray Beesha Caalamka

xasan-sheekh-4

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay abaaraha ka jira Dalka gaar ahaan abaaraha daran ee ka jira Deegaanada Soomaaliland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay abaaro daran in ay ka jiraan Deegaanada Soomaaliland iyo Puntland oo ay ku dhimanayaan Dadka iyo Duunyada ku nool halkaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay ku habsadeen abaaraha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Caalamka intiisa kale ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo dadka ay abaaraha daran saameeyeen ee ku nool Deegaanada Soomaaliland iyo Puntland.

Deegaanada ay ka taliyaan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa hada waxaa ka taagan abaaro aad u daran, kuwaas oo ay saameeyeen dadka iyo duunyada, waxaana Maamuladaasi ay wadaan dadaalo dadkaasi lagu bad baadinayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300