Published On: Fri, Nov 11th, 2016

Gaas iyo Guuleed oo ku kulmaya Gaalkacyo

gaas-iyo-guuleed

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka maanta waxaa lagu wadaa in ay ku kulmaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmduug, si ay uga wada hadlaan Dagaalka Gaalkacyo.

kulankan ay wada yeelanayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmduug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Golaha Abwaanada iyo xubno kale.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka uu qeyb ka ahaan doono Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa inta badan diirada lagu saari doonaa sidii loo joojin lahaa Dagaalka Gaalkacyo oo ay ku dhinteen dad badan, sidoo kalena ay ku barakaceen.

Wariye Xasan Cabdi oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaan arrimahaasi goor dhow ka wareysanay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300