Published On: Thu, Nov 10th, 2016

Soomaali walaac ka muujisay Doorashada Trump

soomaali

Soomaalida ku nool Gobolada Dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka loo doortay Donald Trump.

Donald Trump ayaa xilka Madaxtinimada Dalka Mareykanka waxaa uu kaga guuleystay Hillary Clinton oo ka socotay xisbiga Dimuqraadiga ee Dalkaasi.

Soomaalida qaar ee ku nool Dalka Mareykanka ayaa walaac waxa ay ka muujiyeen in Madaxweynaha Dalka Mareykakna loo doortay Donald Trump oo ah nin cunsuri ah oo aad u neceb Islaamka iyo Soomaalida Qaxootinimada ku gashay Dalka Mareykanka.

Soomaalida ku nool Mareykanka ayaa aad u taageersanaa Hillary Clinton inkastoo Hillary xilkaasi uu kaga guuleystay Donald Trump, waxaana ay sheegeen in Dalka Mareykanka ay ku qaban doonaan Banaanbaxyo ka dhan ah Donald Trump.

Madaxweynha cusub ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ah nin aad u ad adag, kaas oo si weyn uga soo horjeeda Dadka Qaxootinimada ku galay Mareykanka iyo Islaamka, isagoo dhowr jeer oo hore weerar afka ah ku qaaday.

Donald Trump ayaa balan qaaday Boqolka maalin ee shaqadiisa ugu horeysa in waddanka uu ka bixin doono in ka badan laba milyan oo qof oo sharci la’aan waddanka ku jooga iyo sidoo kale in  joojiyo visa la’aanta ay ku soo galaan dadka waddamada diida in dadkooda dib loogu celiyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300