Published On: Thu, Nov 10th, 2016

Faah faahin weerar ka dhacay Qandala

ciidamada-puntland

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar Ciidanka Badda ee Maamulka Puntland xalay ay ku qaadeen Kooxda Daacish ee ku sugan Degmada Qandala.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan oo Ciidanka Badda ee Puntland ay ku qaadeen kooxda Daacish, kadib markii ay kooxda Daacish ka dareemeen dhaq dhaqaaq xoogan.

Dagaalkan oo aan faah faahin badan laga heyn maadaama dadka halkaasi ku sugan ay adag tahay in la helo ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Kooxda Daacish ee ku sugan Degmada Qandala oo uu hogaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin ayaa waxa ay wadaan Hub aruursi ka dhan ah Ciidanka Puntland, iyadoo Ciidanka Puntland dhankooda ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay dib ula wareegi lahaayeen Degmada Qandala oo hada gacanta ugu jirta Kooxda Daacish.

Dadka Deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal xoogan oo labada dhinac dhexmaray, sidoo kalena la isku adeegsaday Hub culus.

Maamulka Puntland weli kama aysan hadlin Dagaalka Ciidankooda xalay ay la galeen kooxda yar ee Daacish ee ku sugan Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300