Published On: Thu, Nov 10th, 2016

Duqeyn xalay ka dhacday Jubbada dhexe

diyaarado

Duqayn culus oo dhinaca cirka, ayaa caweysnimadii Arbacadii Xalay ka dhacday duleedka Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbadda Dhexe, iyadoona hugunta duqaynta laga maqlay goobo badan.

Duqayntan, ayaa lala beegsaday saldhigyo Shabaabku ku leeyihiin Deegaan Lagu Magacaabo Waraha Dhoobley, oo 45km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Bu’aale.

Wararka, ayaa sheegaya in duqaynta ka dib ay halkaasi gaareen Ciidan badan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab waxaana Wali kacsan xaaladda goobihii la duqeeyay.

Waraha Dhoobley waa deegaan istiraatiiji oo hawd ah, iyadoona ay Shabaabku ku leeyihiin illaa saddex saldhig, oo uu ku jiro saldhig wayn oo lagu tababaro Dagaalamayaasha Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa Mustaqbal  u sheegay in sidoo kale ay Shabaabku Waraha Dhoobley ku leeyihiin xarun lagu tababaro Raga loo diiwaangeliyo weerarada ismiidaaminta.

Deegaanka waxaa kaloo ku yaala majmac ay xilliyada qaarkood ku kulmaan Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, waxaana Waraha Dhoobley loo arkaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ka jooggaan Jubbooyinka.

Dhinaca kale duqayntan, ayaa waxaa laga maqlay meelo ay ka mid tahay Magaalada Bu’aale, iyadoona dareen ku beertay dadka deegaanka.

Xarakada Al-Shabaab wali Dhankooda Maka hadlin duqeynta ka dhacday Jubada Dhexe

Duqayntu waxay ku soo beegmaysaa, xilli maqribnimadii Xalay uun ay Shabaabku dib u fasaxeen Isgaarsiintii Gobolada Jubbooyinka, sida ay ku xaqiijinayan bulshada ku nool goboladaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300