Published On: Thu, Nov 10th, 2016

Ciidamada Itoobiya oo mar kale Dad Rayid ah ku Dilay Gobolka Galgaduud

itoobiyaan-300x288

Ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in Degaanka Dac oo hoostaga degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ay ku dileen Afar Qof kuna dhaawaceen illaa 6 kale.

Maamulka Degmada Ceel-buur ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay Dilka Afarta Ruux iyo dhaawaca Lixda kale,waxaana dadka Dhintay ku jira Nabaddoon lagu Magacaabo Axmed Cabdulle Dhoobac oo 85 sano jir ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Itoobiya oo u socday Saldhigga ay ku leeyihiin Magaalada Ceel-buur uu Dagaal ku qabsaday Duleedka degaanka Dac islamarkaana markii ay degaanka soo galeen ay dadka Rasaas la dhaceen oo ay dileen Afarta Ruux.

Shalay ayey ahed markii Duleedka degaanka Wabxo ee Gobolka galgaduud gaari ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya uu ku jiiray Qoys ka kooban Shan Ruux oo ay dhinteen Hooyo iyo Labo Ilmo ah oo ay dhashay halka Aabihii iyo Canug yarna uu dhaawac soo gaaray.

Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa intaa ku daray in aan loo dul qaadan karin Tacadiga Itoobiya ay ku hayso Dadka Soomaaliyeed ee Galgaduud ku nool.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300