Published On: Wed, Nov 9th, 2016

Howlgal ka dhacay Beledweyne

howlgalomuqdisho20140721-238x178

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay ka dhacay Howlgal dad lagu soo qab qabtay, kadib markii kooxo hubeysan ay Magaaladaasi ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Ciidanka Amaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray sidoo kalena Howlgal ka sameeyay ayaa waxa ay soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyhiin falkan dilka ah.

Ciidanka Amaanka ayaa dadkii Howlgalkan ay ku soo qab qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen xarumahooda baaritaanada ee Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si halkaasi loogu kala saaro.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Howlgalkan in lagu soo qab qabtay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso ilaa iyo 10 Qof, kuwaas oo ka mid ah dadka Deegaanka.

Xaalada Magaalada Beledweyne ayaa saakay ah mid degan, inkastoo Ciidanka Dowladda weli ay ku sugan yihiin wadooyinka waa weyn ee Magaalada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300