Published On: Tue, Nov 8th, 2016

Yaa ku soo baxay doorashada aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed?

Koonfur-Galbeed1

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay oo manta ay ka dhacdey doorashada aqalka Hoose ayaa sheegaya in Kursigii koowaad ee Koonfur Galbeed ay ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , uu ku guulaystay Maxamed Sheekh Cusmaan, gudoomiyaha baarlamaanka waqtiga ka dhamaadey ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in uu 45 cod kaga guulaystay Craxmaan Sheekh Ibraahim oo helay 5 cod.
Natiijada waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Heer Federaal, kadibna waxaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada dadban ee Heer Maamul goboleed ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedkii labaad ee ay ka dhacdo doorashada Aqalka Hoose .
Hadaba Magacyada xildhibaanada Aqalka Hoose ee maanta lagu doortay Baydhabo iyo codadka ay ku soo kala baxeen, waa sidan soo socota:

  • Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 45 cod.
  • Daahir Cabdi C/laahi 28 cod.
  • Ibraahim Isxaaq Yarow 51 cod.
  • Fowsiyo Maxamed Sheekh 50 cod
  • Sheekh Maxamed C/laahi 51 cod.
  • C/qaadir Shariif Xasan
  • C/wahaab Ugaas Khaliif

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in halkeeda ay ka sii socoto Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300