Published On: Tue, Nov 8th, 2016

Madaafiic mar kale Shabaab ay ku garaaceen Xerada Amisom ee deegaanka Ceelbaraf

madaafiic

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, Xoogaga Al Shabaab ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku asqeeyeen Saldhiga ciidamada Midowga Afrika Amisom ee deegaankaasi.

Saaka aroortii ayaa wararka waxa ay sheegayaan in Madaafiicdaan oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 5 Madfac Amisom ay ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Amisom ee deegaankan Ceelbaraf.

Wararka waxa ay sheegayaan in qaar ka tirsan Madaafiicda ay ku dhacday gudaha Xerada ciidamada Midowga Afrika Amisom ee deegaankaan Ceelbaraf.

Xerada Amisom ee deegaanka Ceelbaraf ayaa waxa ay ku taala halka loo yaqaan Carakaawada oo duleedka ka ah deegaanka Ceelbaraf.

Waa weerarkii saddexaad oo madaafiic ah oo Shabaab hal isbuuc gudihiisa ay ku qaadaan Saldhiga Ciidamada Amisom ee deegaankan.

Sababta Shabaab ay u kordhiyeen culeyska ay saarayaan ciidamada Midowga Afrika ee deegaankan ku sugan ayaa waxa ay tahay in Amisom ay halkaasi isaga guuraan, maadaama dadkii shacabka ahaa ee deganaa deegaanka Ceelbaraf horay ay halkaasi uga barakaceen.

Ciidamada Burundi ee Amisom ka tirsan ayaa markii Madaafiicdaasi lagu weeraray, kadib waxa ay sameeyeen howlgalo ay ku baadigoobayeen Shabaabkii Madaafiicda ku weeraray, balse lama sheegin natiijada ka dhalatay howlgalkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300