Published On: Mon, Nov 7th, 2016

Weerarka Raqqa oo billowday

_92301170_raqqa

Weerarka ka dhanka ahaa kooxda sheegata dowladda Islamka ee ka dagalameysa magaalada Raqqa ee Dalka Suuriya ayaa socda balse waxa la filayaa in uu qaato bilooyin.

Kooxdan ayaa magaaladaasi ugu yeerata caasimada ay Khilaafadu leeyihiin, iyagoo ku diyaarsada miinooyinka, tallabada ugu horeysa ee howlgalkanna waxay tahay in magaalada la go’doomiyo.

Dagaalyahannada Kurdiyiinta ayaa horseed uu ah howlgalkan iyagoo gacan ka helaya ciidamada Turkiga iyo diyaarado dagaal oo laga leeyahay Mareykanka, hase yeeshee aqalka cad ayaa sheegaya in dagaalyahano carab ah ay dib uga mid noqon doonaan dagaalka.

Mareykanka ayaa aad u daneeynaya in weerarka Raqqa uu billowdo, iyadoo dhanka kalena uu socdo dagaalka lagula jiro Kooxda sheegata Dowladda Islaamka ee ku sugan Magaalada Mosul

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300