Published On: Mon, Nov 7th, 2016

Michael Keating oo gaaray Magaalada Boosaaso iyo C/weli Gaas oo ku soo dhaweeyay

timthumb-3

Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wakiilka iyo xubno uu horkacayo, ayaa barqanimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Boosaaso ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu hormuud u ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wefdiga Wakiilka Qaramada Midoobe, ayaa loo galbiyay Xarunta Maamulka, halkaasoo la soo sheegayo in kulan uu uga soconayo Madaxweynaha Puntland.

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay ka wada hadlayan arrimo ay ugu muhiimsan yihiin doorashooyinka dalka iyo dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Saacadaha soo socda, ayaa lagu wadaa in si wada jira ay shir jaraa’id ugu qabtaan Magaalada Boosaaso, kagana hadlaan waxyaabihii ay kaga wada hadleen kulankoodaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300