Published On: Mon, Nov 7th, 2016

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay dagaalka Magaalada Gaalkacyo

timthumb-2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dagaalka mudada bisha ah ka soconaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Universaltv, waxna laga weydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedeymaha Puntland, ee ah in Dowladda Somaliya ay hurinayso dagaalka Gaalkacyo, ayaa si adag u beeniyay eedeymahaasi.

“Waxaa la yiri dagaal hadduu dhaco waxa ugu horeeya ee dhinta waa runta. Dagaal hadduu dhaco runta way dhimanaysaa, dagaalkaas uun baa xoogga saaraya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Dowladda Federaalka ee Somaliya meel ay uga shaqayso horin colaado ma jirto, laakiin waxaa la taaban karaa oo marqaati leh meelo badanoo uga shaqaynay colaadda inay danto. Wax doora iyo wax qalbiga kala jir ah oo Dowladda Somaliya ay u hayso colaadda meeshaasi ka jirta, haba yaraatee ma jirto.”

Waxaa uu intaa ku daray “Walaalahaas waan ka codsanay, waan kala shaqaynay, horeyna waan uga shaqaynay. Bishii December heshiis beesha caalamka iyo Madaxda Somalida oo dhan ay goobjoog ka ahaayeen, ayaa lagu heshiiyay Magaalada Gaalkacyo, dhaqangelinta heshiiskaasi uun baa dib nooga dhacay. Dhaqangelinta heshiiskaasi dib u dhiciisii ayaa keenay gocashada mardambe in colaadda soo cusboonaato ee wax cusub maaha.”

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay in colaadda Gobolka Mudug ay jirto muddo hal qarni ka badan, isla-markaana aysan ahayn wax shalay uun la bilaatay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka horaantii bishii October ka soo cusboonaday Magaalada Gaalkacyo, ayaa sababay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba leh, iyadoo dadkii magaalada ku noollaana ay intoodu badan isaga carareen guryahooda.

Halkaan hoose ka daawo video-ga

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300