Published On: Mon, Nov 7th, 2016

Koonfur Galbeed oo shaacisey xilliga doorashada Aqalka Hoose ay qabanayaan.

koonfurgalbeed-696x392

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey xilliga la qaban doono doorashooyinka Aqalka Hoose, xilli meelo ka mid ah dalka ay ka dhaceen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed, Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa sheegey in berri (Talaado)ay Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay ka bilaabaneyso doorashadaa Xubnaha Aqalka Hoose ee dowladda Soomaaliya u matalaya maamulkaas.

Mudane C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka hoose ay bari ka bilaabaneyso magaalada Beydhabo, si loo dar dar galiyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka.

Maanta ayey aheyd in magaalada Beydhabo ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Hoose balse arimo farsamo aawgeed ayey dib ugu dhacday, waxaana la filaa in maalinimada berri ah ay ergada u dhaqaaqaan goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan xildhibaano tayo leh oo ka soo dhalaali kara waajibaadka qaran ee dalka.

Xafiis Wareedka Markacadeey
Mogadishu, Somalia

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300