Published On: Mon, Nov 7th, 2016

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Baydhabo

timthumb-1

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheek Cismaan (Jawaari) ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Jawaari ayaa sababta uu u tagay Magaalada Baydhabo, waxaa lagu sheegay inay tahay u kuurgalka xaaladaha Doorashada Aqalka hoose ee ka socda Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale arinta kale ee u tagay Guddoomiye Jawaari waxa ay tahay inuu xaqiijiyo Kursiga Xildhibaanimadiisa, maadaama Kursigiisa uu yaalo Magaalada Baydhabo oo laga soo dooranaayo.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee deeganada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaaban doonto maalmaha soo socda, sidaasi awgeed waxaa socda olole ay wadaan xubno xildoon ah oo deeganada Maamulkaasi ka soo jeeda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa doonaya inuu ka soo dhex muuqdo Xildhibaanada cusub ee ka imaanaya deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa xusid mudan masuuliyiinta kala duwan ee Dowladda ee iminka sida KMG ah u haaya xilalka qaranka, dhamaantood inay yihiin xildoon, kuwaasi oo ku takri fala hantida qaranka, hadii ay tahay gaadiidka Dowladda, Dhaqaalaha iyo ciidamada Intaba.

Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah meelaha sida wanaagsan ay uga socdaan Doorashooyinka la xiriira Aqalka hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300