Published On: Mon, Nov 7th, 2016

Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday dadka Soomaaliyeed

3300

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa markale dhaliil xoogan kusoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee kunool Dalka Maraykanka.

Donald Trump ayaa sheegay in Soomaalida ay musiibo weyn ay ku yihiin Minnesota iyo sidoo kale gobolada ee ay ka degan yihiin dalka Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaalida kunool Minnesota ay u nugul yihiin in ay la shaqeeyaan kooxda Daacish oo uu sheegay in Qaarkoodba ay ku biireen.

“Qaxootiga aadka u faraha badan ee ay Soomaalida ay ka mid yihiin waa musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota , waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka  Aqoon leh ama xirfad leh marka waa ay iska yimaadeen halkaani si khaldana waa loo dejiyay guul fiican mahan taasi” ayuu yiri Donald Trump.

Donald Trump ayaa wacad ku maray hadii uu noqdo madaxweynaha dalka Mareykanka in aysan iska imaan doonin dadka Soomaaliyeed dalka Mareykanka ,islamarkaana ay go’aan adag ay ka qaadan doonaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300