Published On: Sun, Nov 6th, 2016

Madaxweyne Xasan oo ku celiyay in la adkeynayo amaanka musharixiinta sanadkaan

images

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale sheegay iney adkeynayaan amaanka musharixiinta sanadkaan u tartameyso xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay in musharixiinta qaar u imaan waayeen magaalada Muqdisho arimo amaankooda la xiriira ayaa sheegay ineysan helin ilaa iyo hadda warbixin ku saabsan musharax amni la’aan darteed u imaan waayay magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayuu tilmaamay inuu waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaysa, maadaama doorashada ugu dambeysa ay ka dhaceyso caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan wuxuu sidoo kale sheegay in mushariinta aysan wali u gudbin baqdin amaan oo ay qabaan, laakiin wuxuu sheegay iney tagi karaan gobolada dalka meesha ay  doonaan.

“Xilka madaxweynenimada musharixiinta u tartamaya gobolada wey tagi karaan, wali ma heyno qof dowlada lasoo xiriiray oo dalbaday in amnigiisa la sugo, waxaa jiro gudi loo sameeyay iney ilaaliyaan amniga doorashada, walina nama soo gaarin musharax cabsi darted u imaan waayay”ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Musharixiinta iney amaan helaan waan ku shaqeynay waana ku shaqeyneynaa, waana la xaqiijinayaa amaanka musharixiinta sanadkaan tartamaya”ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweyne Xasan Sheekh.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300