Published On: Sun, Nov 6th, 2016

Jubbaland oo shaacisay Waqtiga ay bilaabanayso doorashada Aqalka Hoose

jubbaland

Maamulka Jubbaland oo ka mid ah maamulada ka jira dalka ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Kismaayo ay ka bilaaban doono doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Maxamuud Xasan Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in 10 bishaan ay noqon doonto maalinta ay si rasmiga ah u bilaabi doonaan doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay in ay waqti dheer in ay ku qaadatay soo xulista iyo sidoo kale soo xareynta ergooyinka dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee dowladda Soomaaliya u matalaya deegaanada maamulka Jubbaland.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqaya maamulada ka jira dalka in ay doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Maamulka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee ay ka bilaabato doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose , waxana shalay Garoowe lagu doortay 10 xubnood Puntland u matali doono xildhibaanada dowladda Soomaaliya, iyadoona lagu wado maanta in la doorto inta dhiman.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300