Published On: Sat, Nov 5th, 2016

Weeraro laga digay inay ka dhacaan Mareykanka, ka hor maalinta doorashada

mareykanka-170x114

Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay suurta-galnimada weeraro ay damacsan tahay Ururka Al-Qaacida inay ka geysato gudaha Mareykanka, maalin ka hor xilliga ay dhaceyso doorashada Mareykanka.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Saraakiil sirdoon ayaa sheegtay in lagu wargeliyay Gobollada New York, Texas iyo Verginia inay galaan feejignaan la xiriirta weeraro argagixiso oo ay qaadaan Ururka Al-Qaacida.

Lama sheegin meel gaar ah oo weerarada lagu qaadi doono, hase ahaatee Sirdoonka Maretkanka ayaa ku wargeliyay halista weeraradaas Ciidamada la dagaalanka Argagixisada.

Sidoo kale FBI-da Mareykanka iyo laamaha ammaanka Gobolada ayaa is dhaafsanaya xogaha amniga ee ku saabsan shaqooyinka malainlaha ah, ayna si wadayaan howl galada lagu xaqiijinayo ammaanka.

Maalinta Talaadada ayaa lagu wadaa in dalka Mareykanka ay ka bilowdaan doorashada Madaxweynaha, oo ay ku tartamayaan Musharaxiinta kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300