Published On: Sat, Nov 5th, 2016

Qarax Caawa Muqdisho ka dhacay iyo Alshabab oo sheegtey.

deg-deg-ah11Qarax la sheegay in loo adeegsadey Gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa, isla markaasina dhawaqiisa laga maqlayay xaafado kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayay wararku sheegayaan in Gaariga ismiidaaminta lala eegtey Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Xilligaas isku diyaarinayay Howlgal ku aadan Sugidda Amniga Gobolka Banaadir, agagaarka Taalada Sayidka ama Xarunta Booliiska OTO OTO.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in illaa 4 Ruux oo isugu jira Ciidan iyo Dad Shacab ah ay ku dhinteen Weerarka Isqarxinta ah.

Dadka dhaawacmay ayay wararku sheegayaan in ay ka badan yihiin 10 Qof.

Wakaaladda Wararka Ee SONNA ayaa baahisay in Weerarka ay ku dhinteen Labo Askari oo ka mid ah Ciidamada Dowladda iyo Ruuxii waday Gaariga isqaxiyay.

Gaariga Ciidamada Ammaanka ku Qarxay ayay warar kala duwan ay ka soo baxayaan cidda lahayd,waxaana sidoo kale la sheegay in Gaadiid ka mid ah kuwa Dowladda uu Burbur soo gaaray.

Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Weerarka Isqarxnta ah ee Caawa lagu Weeraray Ciidamada Ammaanka oo ku sugnaa Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax Faah-faahin ah kama soo saarin Weerarka Isqarxinta ah.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300