Published On: Sat, Nov 5th, 2016

Madaxweyne Museveni oo sheegay in Caqabadda Somalia tahay Aragtida qaldan ee Qabyaalladda iyo Xag-jirnimadda

museveni-640x384

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa hadlkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Danjiraha cusub ee Faransiiska u joogi doonta dalka Uganda, Dtephanie Rivoal oo hoggaaminaysan wafdi ka socday Milliteriga Faransiiska.

Wargeyska Saturday New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray in Madaxweyne Museveni iyo Wafdiga Faransiiska Khamiistii la soo dhaafay kulan ku yeesheen Hotelka Speke Resort Hotel oo ku yaalla Deegaanka Munyonyo.

“Dhibaatada Somalia waa Aragtida qaldan ee Qabyaalladda iyo Xag-jir ahaanshaha”  ayuu yiri Madaxweyne Museveni oo tilmaamay in dhibaatadda Somalia ahayn Ka-bixitaanka Ciiddanka AMISOM.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda waxa uu ugu baaqay Dowladaha Midowga Europe inay sii wadaan Maalgelinta Ciiddanka AMISOM, si ay u sii wadaan sidii loo hubin lahaa Nabadda ka jirta Somalia.

‘”Haddii ay Ethiopianka ka baxeen, Taageer Ciiddanka Uganda, waayo waxaan leenahay Hoggaamin iyo Ciiddamo” ayuu yiri Madaxweynaha oo Midowga Europe u xaqiijiyey inay Ciiddankiisa buuxin karaan Kaalinta ay banneeyeen Askarta Ethiopia, kuwaasi oo dhawaan ka baxay qeybo ka mid ah Goballadda Bartamaha iyo K/Galbeed Somalia.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300