Published On: Sat, Nov 5th, 2016

Madaxweynaha Somaliya “Doorashada Somaliya dad Ajnabi ah raad ay ku yeelan karaan ma jirto”

xasan-sheekh

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay warar maalmihii dambe la hadal haayay oo ku aadan in Dowladaha qaar ee Somaliya taageera ay wadaan olole ku aadan ruux ay la doonayaan Doorashada Somaliya inuu ku soo baxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin raad ay ku leeyihiin dad Ajnabi ah Doorashada Somaliya, isaga oo sheegay Doorashada inay ka duwan tahay sidii hore.

Waxa uu tilmaamay Marxalada Doorashada Somaliya inay hada tahay mid adag oo ka duwan tii hore, maadaama go’aanadii hore ee Doorashada ay ahaayeen kuwa gacanta ugu jiray Odayaal kooban, balse hada Ergooyin ay soo dooranayaan Xubnaha Aqalka hoose.

“Doorashada Somaliya waxa ay ka timid markii hal qof uu go’aanka yaa Xildhibaan noqonaya lahaa waa ay ka timid 51 qof oo reer Hebel ah oo jufo hebel ah oo Degmo hebel ka yimid, magaranaayo aniga dad Ajnabi ah sida ay raad ugu yeelan karaan oo ay go’aanadooda iyo rabitaankooda wax uga bedeli karaan Doorashada dadkaan Somaliyed Eedo Caasho oo gees ka timid iyo Adeer Cabdulle oo geeska kale ka yimid ayaa iska leh Doorashada, Dad ajnabi ahna raad kuma yeelan karaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka maanta oo Sabti ah meelaha qaar inay ka bilaabanayso.

Waxa uu tilmaamay maalmaha soo socda ee Axada iyo Isniinta ee todobaadkaan inuu yahay qorshaha in lagu soo gaba gabeeyo Doorashada xubnaha Aqalka hoose ee deeganada Somaliya.

Inkastoo Madaxweynaha Somaliya uu sheegayo in Doorashada Somaliya aysan Ajaanib raad ku laheyn, ayaa hadana Musharaxiinta ugu badan ee xilka Madaxtinimada Somaliya u tartamaysa waxa ay dhaqaalaha ugu badan ee Doorashadooda ay ka heleen Dowlado Shisheeye oo dano gaar ah ka leh Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300