Published On: Sat, Nov 5th, 2016

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Maanta Tagay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

shariif-xasan

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu Hogaaminayo  ayaa maanta Tagay Degmada Xudur Ee Caasimadda Gobolka Bakool.

M/weynaha Koofur Galbeed oo Dadka Degmada Xudur kula hadlay isla Degmada  ayaa sheegay in Al-shabaab Deg Deg looga saarayo Degmada Tiyeeglow iyo Tuulooyinka hoostaga.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa intaa ku daray in Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo Garab ka helaya AMISOM ay Diyaar u yihiin in Shabaaab ay ka saaraan Gobolada Baay iyo Bakool.

Waxaa uu intaa ku daray in Al-shabaab ay dhibaato Xoog leh ku hayaan Dadka ku nool Goobaha ay Maamulaan islamarkaana Maamulka Koofur Galbeed uu Mas’uul ka yahay Shacabka uuna u dulqaadan doonin in la dhibaaateeyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300