Published On: Fri, Nov 4th, 2016

Xiisad ka taagan Caabud-waaq

dagaal-beeleed

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Gagaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii shalay Degmadaasi uu ka dhacay Dagaal Beeleed.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in saakay xaaladu ay tahay mid aan sal badan ku fadhin, maadaama weli dhinacyadii dagaalamay ay is horfadhiyaan, sidoo kalena la filan karo Dagaal kale.

Waxgaradka Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa saakay wada kulamo gaar gaar ah oo ay kaga hadlayaan sidii loo kala qaadi lahaa Beelaha walaalaha ah ee halkaasi isku horfadhiya.

Shalay Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay Dagaal Beeleed ay ku dhinteen 6 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 Qof oo kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300