Published On: Thu, Nov 3rd, 2016

Xaalada Qandala oo saakay degan

qandala-art-238x178

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay Degmadaasi Duqeyn lagu garaacay.

Waxaa la sheegay Dadkii ugu badnaa ee Degmada in Dooman iyo Maraakiib looga daad gureeyay Qandala, oo la geeyay Magaalada Boosaaso iyo Magaalooyin kale, si ay uga nabad galaan Duqeynta lagu garaacayo Degmada Qandala.

Wararka waxa ay tilmaamayaan Maraakiibta Dagaal ee Duqeynta fulineysa in ay yihiin kuwa Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, halkaasina u jooga la dagaalanka Burcad badeeda.

Gudoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay shalay Duqeymo in ay ka dhaceen halkaasi, sidoo kalena xaaladu saakay ay mid degan, inkastoo mar walba la filan karo Dagaal, maadaama xiisad ay jirto.

Dhinaca kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo ku socda dhulka in ay ku dhawaadeen halkaasi, si ay Dagaal ula galaan kooxda Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300