Published On: Thu, Nov 3rd, 2016

Safiirka Midowga yurub ee Soomaaliya oo warqadaha Aqoonsiga gudoonsiiyey…

2

Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Veronique Lorenzo islamar-kaana ay Madaxweynaha soo gaarsiisey fariin ay ka wadey madaxda Midowga Yurub.



Safiirka cusub Veronique Lorenzo ayaa uga mahad-celisey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaheeda aqoonsiga ee Safiirnimo. “Aqbalaada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo weliba ah maalintii ugu horeysey ee aan imaado Muqdisho waxey tahay calaamad xoogan ee xiriirka heerka sare ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya. Midowga Yurubna wey ka go’antahay inay sii joogteyso taageeradeeda Dalka Soomaaliya.” Ayey tiri Safiir Veronique Lorenzo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriir qoto dheer la lahayd Midowga Yurub, waxuuna safiirada kula dardaarmay inay sii dar-dar geliso xoojinta xiriiirka labada dhinac. Madaxweynaha ayaa sheegay in Midowga Yurub ay 2013kii horseed ka ahaayeen barnaamijka New Deal oo Brussels lagu qabtay isla markaasna ay beesha caalamku yabooh ugu deeqeen Soomaaliya.


Ugu dambentii Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa Midowga Yurub sida ay marwalba door fiican uga qaataan xoojinta xiriirka Soomaaliya, waxaana u rajeynayaa inay dowladda kala shaqeeyso mashaariicda dib-udhiska iyo horumarka dalka.”
3

6

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300