Published On: Thu, Nov 3rd, 2016

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu xiray Austria

police

Dalka Austria ayaa waxaa lagu xiray Muwaadin Soomaaliyeed oo Dalkaasi ku galay qaab Qaxootinimo ah, kadib markii lagu eedeeyay in uu jabsaday Isbitaal iyo in uu isku tijaabiyey in uu kufsado Haweeney Bukaan ah oo jiiftay Qeybta Dadka Waalan ee Isbitaalka.

Muwaadinkan la xiray ayaa Da’diisa lagu sheegay 18-sano, waxaana gacanta ku dhigay Booliska Dalka Austria, sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Dalka Austria.

Ninkan ayaa la sheegay in uu damacsanaa weerar uu ku qaado Isbitaal ay ku jirtay Haweeney Maskaxda looga jiro, taas oo uu doonayay in uu kufsado, balse waxaa ka hortagay falkaasi Ilaalada Isbitaalka iyo Booliska.

Booliska Austria ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaano dheeraad ku sameyn doonaan Ninkan, sidoo kalena ay Maxkamada ay soo taagi doonaan, si loogu qaado dambigii uu galay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300