Published On: Thu, Nov 3rd, 2016

Madaxweynaha Puntland oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

gaas-1-238x178

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Cismaan Diiriye kulane oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Maamulka Puntland, eedeyntaas oo ku aadaneyd in uu lunsaday lacag Dowladda Federaalka ay ugu talagashay shacabka Puntland.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas eedeynta loo jeediyay in ay tahay mid aan sax aheyn oo been abuur ah, sal iyo raad midna aan laheyn.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay Dolwadda Federaalka in looga baahan yahay in ay ka jawaabto arrintan eedeynta ah hadii ay jirto.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay cadeynayaan wax muwaano ah ama dhaqaale ah oo Dowladda Federaalka ka soo gaaray Puntland in aysan jirin.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii u dambeeyay la kulmayay caqabado kala duwan, kuwaas oo uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300