Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saartey Xaalada weriyeyaasha dalka.

MAAREEYE-620x264

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu khatarta badan Caalamka ee lagu dilo Wariyayaasha, taasi oo uga iman jirtay Kooxaha Argagixisada ah, ayna Maanta ku socoto dariiq wanaagsan oo ay dib u dhismeen He’yadihii Dawliga ahaa oo ay jiraan kuwa Amni, islmarkaana ay Dawladdu rajo ka qabto inay joogsadaan Handadaadii iyo dilkii ay qabeen.

War-saxaadadeedka ayaa ku soo aaday xilli maanta oo kale Dunida lag xuso Maalinta la dagaalanka Dambiyada laga galo Wariyayaasha (International impunity Day), waxana uu intaasi ku darayaa in Soomaaliya ay iminka ka soo kabasanayso burubur, balse ay maanta leedahay Warbaahinta ugu ballaaran Geeska Afrika iyo Dastuur,sharci Warbaahineed iyo siyaasad Dawladeed oo dhammaantood xafidaya xornimada hadalka, kulanka iyo fikirka, taasoo loo xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Hey’adaha sharciga in ay hirgaliyaan.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Dawladda iyo Wasaaradda Warfaafinta ay sixi doonaan wixii qaladaad ah ee isku dhacyada Wariyayaasha ay kala kulmaan He’yadaha Amniga, taasoo sabab u ah dareenka adag ee he’yadaha Amniga ay kala horjeedaan Kooxaha Aragagixsada ah ama tabarta iyo aqoon la’aanta sharciga.

“ Dawladdu waxay ku hawlan tahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo tacadi u geysata Wariyayaasha ka hawlgala gudaha Soomaaliya sidii horeba ugu guuleysatay inay baabi’so , soo qabqabato kadibna la ciqaabo shabakadda argagaxiso ee u xil saran dilista iyo caga jugleeynta Warbaahinta iyo Wariyayaasha Soomaaliya” ayaa la xusay War-saxaafadeedka.

War-saxaadeedka waxa ugu dambeyntii lagu sheegay in tacsi u dirayaan dhamaan qoysaskii iyo Caruurtii ay ka baxeen Wariyayaashi la dilay iyagoo aan waxba galabsan guud ahaan Caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300