Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Odey lagu diley goor dhow Muqdisho.

deg-deg-ah11Wararka inaga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goor dhow lagu dilay Nin Oday ah oo ka mid ahaa Waxgaradka Degmadaasi.

Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen Labo dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxaana markii ay dilka geysteen kadib ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan, balse waxaa Rasaas ay ku fureen Ciidanka Amaanka ee Degmadaasi suurtagashay in ay ku dhaawacmaan Labadaasi dhalinyaro, sidoo kalena gacanta lagu dhigo.

Maamulka Degmada iyo Ciidamo dheeraad ah ayaa waxa ay soo gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Maamulka Degmada Wadajir oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Labadaasi dhalinyaro, sidoo kalena goor dhow ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300