Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Madaxweynaha oo dhiirageliyay Wariyeyaasha Soomaaliyeed

madaxweynaha

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal Naftooda u huray u shaqeynta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wariyeyaasha Soomaaliyeed ay helaan cadaalad buuxda oo ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed , madaam uu sheegay in ay ku shaqeeyaan Xaalad adag.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu  ku dhiiragelinaayo wariyeyaasha Soomaaliyeed in ay sii wadaan u shaqeynta bulshada Soomaaliyeed , waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii wariyeyaasha Soomaaliyeed ay u heli la haayeen Cadaalad iyo sidoo kale ammaan.

“Maanta waa maalin ku weyn dowladda Soomaaliya Maalinta caalamiga ah ee lagu muujinayo Xisaabtan la’aanta iyo xadgudubyada loo geysto saxaafadda ,waxaan weydiisanayaa  dhinacyada ay sida wey u khuseyso arintaani sida Maamulaasha Warbaahinta , Hay’addaha dowladda, Beesha Caalamka , in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo caawin lahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed , islamarkaana ay shaqadood  ay ugu gudan la haayeen si ay ku dheehan tahay Daacadnimo, dhexdhexaadnimo, ayna uga shaqeyn la haayeen danta dadweynaha iyo sidoo kale mida Qaranka ” Sidaasi waxaa Yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxa ay kusoo shaqeeyeen Waqti Adag xiliyadii dagaalada Sokeeye  sidaas darteed dalkaani wariyeyaasha Soomaaliyeed la’aantood ma gaareen horumar , isla xisaabtan, ammaan, sidaas darteeda Wariyeyaasha Soomaaliyeed waa Geesiyaal , waana inaan ka hortagnaa oo aan difaacnaa in aan wax dhibaato ah loo geysan” ayuu hadalkaasi intaasi ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaan aad uga shaqeynay sidii laysku xiri lahaa ama laysku dabaridi lahaa xiriirka u dhaxeeya Ciidanka ammaanka ,warbaahinta iyo Wasaarada Warfaafinta , waxaana sidii wadi doonaa in la hagaajiyo xiriirka u dhaxeeya Wariyeyaasha iyo ciidamada ammaanka , Wasaarada Warfaafinta waxa ay sameysay tababar lagu dhisaayo Aqoonta Wariyeyaasha Soomaaliyeed” Mar kale Waxaa sidaasi Yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maanta waxa ay wariyeyaasha Soomaaliyeed u dabaal degayaan Maalinta caalamiga ah ee lagu muujinayo Xisaabtan la’aanta iyo xadgudubyada loo geysto saxaafadda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300