Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhig Shabaab ku leeyihiin duleedka Afgooye

afgooye

Wararka ka imaanaya duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay duqeyn ka geysteen duleedka Degmadaasi.

Duqeyntaan oo dhacday xalay Saqdii dhexe, ayaa la sheegay in Diyaaradah ay duqeyn culus ku garaaceen Deegaanka Yimbis oo Qiyaastii 20-KM u jirta Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Wararka waxa ay sheegayaan Deegaankaan inay Saldhig ciidan ku leeyihiin Ururka Shabaab, xilli duqeynta ay dhaceysana, halkaasi ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Ururka Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ayaa dhowr gantaal ku dhuftay deegaankaan oo xilliga la garacaayay ay ku beegneyd 1:00 habeenimo ilaa 2:00 inta u dhaxeysay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, kuwaasi oo soo gaaray dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Shacabka ku dhaqan Deegaano ku dhow halka la duqeeyay ayaa soo wajahday baqdin xoogan oo ku aadan sameyn ay ku yeeshaan weerarkaasi.

Weli lama shaacin halka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeynta ku beegsaday Xubnaha ka tirsan Al Shabaab ee ku sugan Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300