Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Ciidanka Dowladda oo ka baxay Goof-guduud iyo Al-shabaab oo dib u qabsaday

goof

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saaka dib uga baxay degaanka Goof guduud ee Gobolka Baay,halkaas oo maalmo ka hor ay kala wareegeen Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda ee saaka gaaray Baydhaba ayaa waxaa ay ka careysanyihiin mushaar la’aan 9 bilood ah sida uu sheegayo Taliyaha Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed Cabdullahi Sheekh Max’ed.

Kadib markii ay Ciidanka saaka ka baxeen degaankaas Goofguduud ciidan ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa dib ula wareegay degaanka waxaana hadda ka taliya Al-shabaab.

Taliye Cabdullahi,ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed oo wada socda ayaa ka baxay degaanka,waxaa uu beeniyay in cabsi ay ka qabaan Al-shabaab darteed ay uga baxeen degaanka.

Ciidanka Dowladda ayaa dhawaan dib u qabsaday deganka Goofguduud oo 30 KM u jira Mgaaalada Baydhaba,waxaana Taliye Cabdullahi uu sheegay in Al-shabaab oo qabsaday Goofguduud aysan waxba u jirin dagaal ay ku qaadaan baydhaba.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300