Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Ciidamada Ciraaq oo dagaal kula wareegay xarunta Tv-ga Magaalada Mosul

timthumb-2

Ciidamada Dalka Ciraaq iyo Ciidanka kale ee caawinaya, ayaa maalmahan waday dagaalo ka dhan ah Kooxda Daacish ee Saldhigooda ugu weyn uu yahay Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq oo ah goobtii lagu aas-aasay Daacish.

Ciidamada oo wada dagaalka ka dhanka ah Kooxda ayaa gabi ahaanba la wareegay gacan ku haynta Xarunta Tv-ga Mosul ee dalkaasi, kadib dagaal xoog leh oo ay halkaasi kula galeen Xoogaga Daacish.

Suxufiyiin la socda ciidamada ayaa sheegay inay la kulmeen qaraxyo miinooyin ah oo Daacish ay ku aaseen Magaalada gudaheeda, waxayna sheegayaan weli Magaalada inay ka dagaalamayaan dagaalyahano Daacish ka tirsan.

Afhayeenka ciidamada dalka Ciraaq Sabax Al-Numcan, oo la hadlay BBC, ayaa sheegay ciidamada Ciraaq inay gaareen guulo la taaban karo, iyadoo uusan jirin Khasaare buuran oo ciidamada ka soo gaaray dagaalka.

Ciidamada Ciraq waxa kale oo ay sheegeen in ay ciidamo huwan ah ay magaalada kaga soo beeganyihiin dhanka waqooyi bari.

Xoogaga Daacish ayaa weli ku sugan Magaalada Mosul, Saraakiisha Qaramada Midoobay waxa ay sheegeen Daacish inay ganbaad ka dhiganayaan dad shacab ah oo lagu qiyaasay 25-kun oo qof.

Xaalada Magaalada Mosul, ayaa weli kacsan waxaa socda dagaal iyadoo ciidamada Ciraaq cabsida ugu badan ee haysa ay tahay in qaraxyo miinooyin ah oo Daacish Magaalada ay ku aaseen khasaare ay kala kulmaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300