Published On: Wed, Nov 2nd, 2016

Booliska Denmark oo qabtay nin Soomaali ah oo waxyaabaha qarxa lagu arkay

denmark

Booliska dalka  Denmark, ayaa shaaciyay in ay  gacanta ku dhigeen  nin Soomaali ah  oo  la sheegay in  gurigiisa  laga helay Waxyaabaha Qarxa.

Ninkaan ayaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Aarhus ee Bariga dalka Denmark, waxaana ciidanka ammaanka sheegeen in ninkaasi xabsiga lagu sii heyn doono muddo dhan 4 todobaad madam ay wali ku wadaan baaritaano dheeraad ah.

Ninkaan oo ay ka gaabsadeen  ciidanka ammaanka in ay shaaciyaan magaciisa ayaa lagu soo qabtay howgal ay ciidanka ammaanka ay ka sameeyeen howgiisa  uu ka deganaa dalkaasi .

Rene Raffo oo ah Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay u adeegsadeen ninkaasi sunta dadka ka ilameysiisa , madam uu isku dayay in uu ka baxsado ciidanka ammaanka dalka Denmark oo howgal Gaar ah ka waday goobo lagu tuhmay in ay joogaan dad xiriir la leh kooxda Daacish.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan Waxyabaaha Qarxa ee  ninkaasi gurigiisa laga helay , ayna dib ka shaacin doonaan waxyaabaha kasoo baxa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300